
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa iskaashi caalami ah, ay diyaarisay hab sahlaya in la helo, oo lasoo qabto, laguna soo celiyo dalka dadkaasi, si maxkamadooda looga dhigo gudaha Soomaaliya.
“Waxaa noo fududaanaysa in dadkeenna Soomaaliyeed ee ku sugan Suudaan, Libya, Algeria iyo Morocco oo dambiyo ka geystay Soomaaliya aan dalka kusoo celinno, iyadoo la adeegsanayo habraacyo sharciyeed oo fududaynaya xog uruurinta iyo caddeyntooda,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.
Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda si rasmi ah ugu biirtay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah, taas oo ka dhigan in dowladda Soomaaliya ay heli doonto taageero iyo iskaashi caalami ah si loo soo qabto dambiilayaasha ku dhuumaaleysanaya dibadda.






