12.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Golaha ammaanka oo kulan albaabada u xiran ka yeelanaya maalgelinta howlgalka AUSSOM

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, May 11, 2025 (HOL) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu yeesho kulan albaabada u xiran Isniinta berrito ah, si looga arrinsado taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulankaan oo ku yimid codsi ka yimid dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada UK, ayaa diiradda lagu saari doonaa qaabka maalgelinta howlgalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Mareykanka ay mar kale diidday inay maalgeliso hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo muujisay walaac la xiriira hufnaanta maamulka iyo qaabka loo maaraynayo dhaqaalaha hawlgalkaas.

Kulan dhawaan ka dhacay magaalada Washington oo dhex maray saraakiil Mareykan ah iyo wakiillo ka socday Midowga Afrika ayaa lagu caddeeyay in Mareykanku uusan wax taageero ah bixin doonin ilaa isbeddello la taaban karo lagu sameeyo hab-maamulka iyo kormeerka dhaqaalaha ee howlgalka.

Bishii Diseembar 2024, Golaha Ammaanka ayaa oggolaaday in Qaramada Midoobay ay maalgeliso illaa 75% miisaaniyadda howlgalka AUSSOM laga bilaabo 1-da Luulyo, haddii Golaha si rasmi ah u ansixiyo 15-ka May.

Warbixin la faafiyey 1-da May ayaa tilmaamaysa in la dhimay kharashaad gaaraya $61.6 milyan si loo meel mariyo miisaaniyadda howlgalka, hase yeeshee xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay in taas aysan ku filnayn. Sidaas darteed, QM iyo Midowga Afrika waxay ku heshiiyeen in la dhimo $63.3 milyan, taasoo wadarta guud ee dhimista ka dhigaysa $124.9 milyan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).