14.7 C
London
Friday, October 31, 2025

Shiinaha oo soo dhoweeyay go’aanka ay Soomaaliya ku mamnuucday baasaboorka Taiwan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, May 1, 2025 (HOL) – Shiinaha ayaa Soomaaliya ku ammaantay mamnuucidda ay ku soo rogtay dadka wata baasaboorka Taiwan oo laga joojiyay Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya ay u aqoonsan tahay Taiwan inay tahay gobol kamid ah dalweynaha Shiinaha.

Go’aanka Muqdisho “wuxuu ka tarjumayaa sida adag ee ay Soomaaliya ugu dheggan tahay mabda’a midnimada Shiinaha ah, kaasoo Shiinuhu aad u bogaadinayo,” afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Guo Jiakun ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id.

“Adduunka waxaa ka jira hal Shiine oo keliya, Taiwan waa qayb aan laga maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha,” ayuu yiri Guo oo hoosta ka xariiqay in Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 2758 uu xaqiijinayo mabda’a Shiinaha.

Shiinaha ayaa sidoo kale Somaliland u aqoonsan qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, wuxuuna si adag u taageersan yahay dadaalka dawladda federaalka Soomaaliya ee lagu ilaalinayo midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa Talaadadii ka hortimid go’aanka Soomaaliya ay ku joojisay qaabilaadda dadka sita baasaboorka Taiwan.

Taiwan ayaa sheegtay in Dowladda Shiinaha ay tahay cidda Dowladda Soomaaliya ku cadaadisay in Basaaboorka Taiwan aan looga safri karin Soomaaliya.
Dhinaca kale safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sidoo kale si adag u taageertay tallaabada Soomaaliya ee  u hoggaansanaanta mabda’a midnimada Shiinaha.
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).