15.8 C
London
Friday, October 31, 2025

20 Xildhibaan oo sababo amni looga joojiyay inay xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, May 1, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa 20 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ka mamnuucay inay sababo amni awgeed aan loo ogolaan karin inay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka.

Warqad qoraal ah uusoo saaray Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa lagu sheegay in sababo amni dartood, 20 kaas mudane aysan soo xaadiri karin fadhiyada ay yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu faray Habdhowraha Golaha Shacabka in uu ka joojiyo xubnaha Xildhibaanada magacyadooda hoos ku xusan yihiin ka qayb galka fadhiyada Golaha Shacabka, illaa Guddiga Xeer-Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka ay ka soo saarayaan go’aankooda Anshaxmarineed oo waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

“Aniga oo xeerinaya qodobada kala ah; 14aad, 16aad iyo 28aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, kuwaas oo qeexaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka masuuliyad ka saarantahay fulinta iyo dhowrista Xeer-hoosaadka Golaha, iyo ilaalinta nidaamka, habsami u socodka howlaha sida sharci-dejinta, maamulka iyo hab-maamuuska Golaha.” Ayuu ku yiri qoraalka uusoo saaray.

Xubanahaasi 20ka Xildhibaab iyi war saxaafadeedkaba qeybta Hoose ka Akhriso:-

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).