13.4 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Dowlada Itoobiya oo ciidamo badan geysay degaano kuyaala xaduudka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Maarso 8, 2025 (HOL) – Tiro badan oo ka mid ah ciidamada Difaaca  Itoobiya (ENDF) ayaa la geeyay meel u dhow magaalada xuduudda ku taalla ee Feerfeer, taasoo u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, sida aan kasoo xiganay warbaahinta Itoobiya.

Ciidamadan ayaa la geeyay xilli ay ciidamada Itoobiya isku diyaarinayaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sida ay sheegeen ilo maxalli ah, ciidamada Itoobiya ayaa la filayaa in lagu meeleeyo goobaha istiraatiijiga ah si ay uga hortagaan weerarrada sii xoogeysanaya ee Al-Shabaab, kuwaas oo beegsanaya dowladda iyo ciidamada AUSSOM.

Tallaabadan ayaa imaanaysaa iyadoo dhawaan diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen degaano katirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sida uu xaqiijiyay wasiirka Gaashaadnhigga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto howlgalka cusub ee Soomaaliya, kaddib khilaafyo labada dal dhexmaray oo ka dhashay heshiiskii  badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).