14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Xukuumadda Somaliland oo daahfurtay manhajka waxbarashada xabsiyada

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Maarso 6, 2025 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u daahfurtay siyaasadda manhajka waxbarashada xabsiyada, oo horseedaysa in maxaabiistu ay wax ku bartaan xabsiyada dhexdooda.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo daahfuray siyaasadda manhajka waxbarashada xabsiyada, ayaa sheegay in uu maxaabiista ka caawin doono in ay jeelasha kasoo baxaan iyaga oo leh aqoon iyo xirfado ay ku shaqaystaan, isla markaana bulshada dhexgali karaan.

“Daahfurkani wuxuu astaan u yahay sida ay xukuumaddu uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, dib u habaynta xabsiyada, iyo fududaynta dhaqan-celinta maxaabiista. Waana markii ugu horreysay ee la hirgalinayo nidaam waxbarasho oo habaysan oo ka dhex jira xabsiyada Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in manhajkani uu diiradda saarayo in maxbuusku helo waxbarashada aasaasiga ah ee dugsiyada, waxbarashada diinta Islaamka, iyo xirfadaha kala duwan ee farsamada gacanta isaga oo xabsiga ku jira.

“Waxa uu helayaa waxbarashada aasaasiga ah. Maadaama aynu ummad Islaam ah nahay, waxa kale oo la bari doonaa diinta Islaamka iyo xirfadaha farsamada gacanta, sida cunto karinta, daryeelka dharka, faarada, iyo xirfado kale, iyo sidoo kale waddaniyada,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay kor u qaadista cadaaladda, hoos u dhigista heerka dambiyada, iyo xoojinta anshaxa suuban.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).