
Khudbadd uu ka jeediyay shir madaxeedka degdega ah ee Carabta, ayuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sheegay in shirkan lagu qabanayo iyadoo ay jiraan caqabado heer gobol ah iyo mid caalami ah oo aan horay loo arag dunida, loona baahan yahay in la kordhiyo iskaashiga wadamada Carabta.
Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa xusay in si laga hortago xaaladaha ka taagan bariga dhexe ay mudan tahay in la ogaado Muhiimadda ay leedahay dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka iyo amniga.
Wuxuu carabka ku dhuftay in shacabka Falastiin ay mudan yihiin aayo ka tashi iyo dhisidda dowlad madax bannaan, xaqaasna uusan ahayn mid gorgortan geli kara ama lagu xad-gudbi karo.
Ugu dambeeyn waxa uu Khudbadiisa ku caddeeyay inuu ku adkaysan doono mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan taageeridda qadiyadda falastiin ee ka sheegista fagaarayaasha kala duwan ee caalamiga ah ilaa shacabka Falastiin ay helaan xorriyaddooda iyo xuquuqdooda sharciga ah.