
Dib ula wareegista deegaanka Ceelbaraf ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhowrkii maalmood ee dhaafay deegaankaas ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Macawiisleeyda Xawaadle ayaa duhurnimadii maanta gudaha u galay deegaanka Ceelbaraf, kadib dagaal mudo kooban socday oo ka dhacay duuleedka magaaladaas.
Wali si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ku dhexmaray duuleedka magaalada Ceelbaraf ciidamada iskaashanaya iyo kuwa Al-shabaab ee laga saaray Ceelbaraf.
“Reer Ceelbarafoow soo laabta magaaladu waa xor annaga ayaa idinku soo dhaweyneena, dad walaalo ahna waan nahay ee aan is garabsanno, wax walba walaaltinimada ayaa ka wanaagsan cadawga aan u midoowno” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.