16 C
London
Monday, October 13, 2025

Puntland: Shacabka Koonfurta dalka ma helin dowlad si mabda’ leh ula dagaalanta argigixisada

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Maarso 4, 2025 (HOL) – Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Puntland, Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in Soomaaliya aysan lahayn hoggaan dowladeed oo si mabda’ ah ula dagaalama kooxda Alshabaab.

Wasiirka caddaaladda ayaa sheegay in tani ay sababtay in meelo badan oo Koonfurta Soomaaliya kamid ah ay gacanta u gasho kooxaha xagjirka ah.

Wasiirka oo ka hadlayay xaaladda amni ee Soomaaliya ayaa xusay in duruufta iyo dayaca ay qayb ka yihiin sababaha keena awood-darrida dowladda ee la dagaallanka argagixisada.

“Koonfurta dalka argagixisadu waa qabsatey, duruuf iyo dayac mid ay taheyba, sababtu waa in aysan jirin hoggaan dowladeed, dadaal iyo aragti midaysan oo ku aadan in si mabda’ ah loola dagaalamo argagixisada,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu qiray in dhalinyaro Soomaaliyeed oo wiilal iyo gabdho isugu jira ay si geesinimo leh ula dagaalameen argagixisada, balse aysan helin hoggaan dowladeed iyo dadaal mideysan oo lagula dagaalamo fikirka xagjirka ah.

Waxaa uu sheegay in Puntland dagaal ay aan kala joogsi laheyn muddo dheer kula jirto ururada argagixisada, islamarkaasna dadka iyo maamulkuna ay mabd’a iyo aragti midaysan ka leeyihiin dagaalanka kooxaha argagixisada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).