
Kulankaan waxaa masuuliyiinta ka qeyb gashay ka mid ahaa madaxweynahii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo masuuliyiin kale oo horay xilal u soo qabtay
Masuuliyiintaan ayaa sidoo kale nasiib daro weyn ku tilmaamay in Golaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed oo mudo xileedkoodii uu dhamaaday iney hadda sameeyaan doorasho cusub.
Warsaxafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in waxa ka socda Koonfur Galbeed ee uu wado Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iney yihiin waxyaabo baal marsan sharciga iyo dowladnimada.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kulanka kasoo baxay oo dhameystiran:-
