
Hogaamiyeyaashaan ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in si gogosha u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, inay dhowrayaan faah faahin dheeri ah oo laga helo ajandaha, waqtiga iyo ka soo qeyb galayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha.
“Waxaan soo dhaweyneynaa gogosha wadatashi ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waxaana u aragnaa in ay tahay tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeedkaan.
Waxa ay sidoo kale madaxdaan ay tilmaameen in halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota ay ku waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka Soomaaliya.
Xalay, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gogol u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka aragtida duwan, isagoo ku booriyay in ay kaalin weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan nidaamka Federaalka.
