14 C
London
Monday, October 20, 2025

Somaliland oo si la mid ah Dunida Islaamka si Weyn Looga Xusay Munaasibadda Ciiddul Fitriga

- Advertisement -spot_imgspot_img
 

Axad, Maarso 30, 2025 (HOL) – Dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dabaaldagay munaasabadda Ciiddul Fitriga, iyaga oo isugu soo baxay masaajidadda iyo garoomada si ay ugu tukadaan salaadda isla markaana u xusaan munaasibadda ciidda.

Dadka ayaa salaadda kadib iskugu soo baxay goobaha lagu nasto, iyaga oo kooxo-kooxo u socda, sidoo kale qoysaska ayaa caruurta isugu soo saaray goobaha lagu ciyaaro, sida leexooyinka iyo huteelada leh agabka ay caruurtu ku ciyaaraan.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dadweynaha kula tukaday magaalada Hargeysa, isaga oo hambalyo u diray dhammaan dadweynaha Somaliland iyo Islaamka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa isaguna dadweynaha kula tukaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Madaxweyne ku xigeenka iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa magaalada u joogay hawlaha nabadaynta gobollada bari.

Dabaaldagga Ciiddul Fitriga waa munaasabad meeqaam sare ka taagan bulshada Islaamka dhexdeeda, waxaana loo dabaaldegaa dhammaadka bisha Ramadaan. Waa farxad uu Alle ugu talo galay in ay ku qalbi-qabowsadaan adoomihiisu kadib 30 cisho oo ay dartii u soomanaayeen.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).