
Soomaaliya waxay ka mid dalalka Islaamka ah ee maanta sida weyn looga Ciidayo oo laga arkay bilashada bisha, waxaana wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka intooda badan lagu arkayaa dadweyne u badan dhalinyaro iyo caruur lugeynaya, islamarkaana u dabaal degaya maalintaan qiimaha badan.
Magaalooyinka qaar Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa saakay Salaada Ciida kula tukaday boqolaal dadweyne ah masaajidda ku yaala Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in maanta ay sooman yihiin qaar ka mid ah dadka ku nool magaalooyinka Baledweyne, Caabudwaaq, Guriceel, Gaalkacyo iyo Garoowe sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku kala sugan magaalooyinkaas.
Ugu dambeyntii Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah leys kugu khilaafo dhalashada bilaha Soonka, Soon furka iyo tan Ciida Carafo, waxaana taasi ay keenta in dadku kala Ciidaan laba maalin.