15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Golaha amaanka QM oo maanta u codeenaya cusbooneysiinta cunaqabateenta saaran Al shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Maarso 3, 2025 (HOL) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta oo Isniin ah (waqtiga New York) u codeyn doona qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha Goluhu ay maanta ka fiirsanayaan sidii ay u cusboonaysiin lahaayeen howlgalka guddiga khubarada ah ee gacan ka geystay la socodka dhaqan gelinta cunaqabateynta lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa “Al-Shabaab”.

Qoraalka qabyada ah oo ay diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale dib u cusbooneysiineysa ogolaanshaha mamnuucidda badda ee soo dejinta hubka sharci darrada ah, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo mamnuucidda noocyada kala duwan ee walxaha qarxa.

Guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha amaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab ayaa soo gudbiyay warbixintii ugu dambeysay, waxayna tilmaameen in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Soomaaliya, isla markaana awood u leh in ay fuliyaan weeraro adag oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

Warbixintu waxay qirtay in isbedel weyn uu ku yimid “awoodda” kooxda Daacish-Soomaaliya, waxaana intaas dheer, in warbixintu muujisay kororka dhacdooyinka burcad-badeedda, iyadoo in ka badan 25 weerar oo ay ku jiraan afduubyo lagu qaaday maraakiib iyo doomo ganacsi tan iyo bishii November 2023-kii.

Danmark ayaa bishaan March qabanaysa shir-guddoonka joogtada ah ee golaha ammaanka ee billaha ah, iyadoo oo ay horyaalaan warbixino la xiriira arrimaha hadda ka taagan Ruushka iyo Ukraine, arrinta Falastiin, iyo xaaladaha Suuriya iyo Suudaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).