
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya, Bashir Moallim Ali, ayaa Soomaaliya ku matalayay shirkaan, isagoo ka jeediyay khudbad ku saabsanayd, doorka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee casriyaynta nidaamka guud ee gaadiidka dalka.
Bashir ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay casriyeynta tiknoolajiyadda gaadiidka, horumarinta duulista rayidka, iyo xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga gobolka.
Ka mid noqoshada Soomaaliya ee madashan waxay si buuxda ula jaanqaadaysaa sida ay dowladda sheegtay, qorshaha Isbeddelka Qaranka Soomaaliya iyo dadaallada isku xirka gobolka, gaar ahaan Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
