13 C
London
Monday, October 20, 2025

Faahfaahino kasoo baxaya Nin Darawal ahaa oo maanta lagu dilay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Maarso 27, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil barqanimadii maanta loogu geystay barkoontarool oo ku taala degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan mid ka mid ah wadayaasha Gaadiidka isaga kala goosha gobolada dhexe ee dalka iyo magaalada Muqdisho.

Darawalka lagu dilay bartakoontarool ee taala afaafka hore ee degmada Moqokori ayaa  magaciisa lagu sheegay Sakariye Shiiq Cali Carab, kaasoo ah wiil dhalinyaro ah oo aad u da’yaraa.

Dilka marxuumka ayaa warar kala duwan oo kasoo baxaya waxay sheegayaan in koox ku sugnayd barta ay rasaas ku fureen gaarigiisa, halka warar kale ay sheegayaan in marxuumka uu diiday inuu bixiyo lacaga badan oo la weydiiyay, taasina ay sababtay dhimashadiisa.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka iyo maamulka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ku aadan dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ee darawalka ahaa, kaasoo deegaan ahaan kasoo jeeday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ugu dambehntii qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Moqokori ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha amaanka in baaritaan dhab ah ku sameeyaan dhacdadan, si cadaaladda loo horkeeno cida ka dambeysay dilka marxuumka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).