
Dagaalka ka dhacay deegaanka Abagbeeday ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka moocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay meelo ka fog fog deegaanka uu dagaalka ka dhacay.
Taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Gashaanle dhexe Yuunis Aadan Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale ciidanka soo furteen hub iyo saanad ciidan oo kooxdu laheyd.
Taliyaha guutada 9-aad Gaashaanle Yoonis Aadan ma uusan sheegin tirada rasmiga ah oo ay kooxda Al-shabaab uga dileen dagaalka ka dhacay deegaanka Abagbeeday.
Howlgalkaan ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen Abagbeeday ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay la sheegay in kooxda Al-shabaab ee lagusoo jabiyay howlgalada ka socda Shabeellaha Dhexe inay buux dhaafiyeen deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.