14.5 C
London
Sunday, October 19, 2025

Puntland oo xabsiga dhigtay weriye qaatay kaarka aqoonsiga qaranka ee dowladda Federaalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Arbaco, Maarso 26, 2025 (HOL) – Ciidamada amniga Puntland ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku xiray weriyaha madax-bannaan oo lagu magacaabo Dalmar Socdaal, kadib markii uu Gaalkacyo dhinaca Galmudug ka qaatay kaarka aqoonsiga qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo horey Puntland u mamnuucday.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in weriyaha la jir-dilay ka hor inta aan la xirin, taasoo dhalisay caro xooggan oo ay muujiyeen ururrada saxaafadda iyo weriyayaasha Puntland.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan si cad uga horyimid kaarka aqoonsiga qaranka, oo dowladda federaalka ka bilowday Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali (Jifojabsade), ayaa ku hanjabay in qof kasta oo ka qaybqaata hannaanka diiwaangelinta ee NIRA uu lumin doono xuquuqdiisa muwaadinimo ee Puntland, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Guddoomiye Jifojabsade wuxuu si cad u sheegay in Puntland aysan oggolayn in diiwaangelin heer federaal ah laga sameeyo deegaannadeeda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).