
Sida laga hor cadeeyay maxkamadda, Dilka ayaa yimid ka dib markii Xuseen uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay, Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan qaadaya.
Kadib guriga dhibkaasi ka jiray waxaa u dhaqaaqay Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay si ay u Joojiyaan eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga.
Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka 17kii Bishii November ee 2024, Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan.
Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan dil toogasho oo ah Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.