
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Howlgalka lagu dilay horjooge Macalim Aadan Qaddiid oo ahaa horjoogihii Al shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda oo ay ugu yeeraan Sakawaadka, waxaana saraakiisha Koonfur Galbeed ay sheegee in uu dhibaato ku haayey dadka ku nool deegaanada hoostagta Degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Sidoo kale waxa ay Ciiidamadu xuseen in ay Horjoogaha la dilay ay ka soo furteen Qori AK47 iyo booshkiisa iyo Mooto Fekon oo ay usoo bandhigeen warbaahinta gudaha.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed u qaabilsan Degmada Berdaale ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan ay tan iyo xalay wadeen oo ay ku baacsanayeen rag ka tirsan Al-shabaab ayna ku guuleysteen inay ka taqalusaan horjoogihii Kooxda Al-shabaab ee lacagaha badda ugu qaabilsanaa Degmada Berdaale.
Guddomiyaha Degmada Berdaale Maxamed Isxaaq ayaa dhankiisa waxa uu shaaca ka qaaday inay shacabka ka codsanayaan inay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sugidda amniga Degmada iyo in lasoo sheego dhibaatada ay Kooxda Al-shabaab shacabka u geeysanayaan.