
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana sidoo kale goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha wasiirada xukuumadda iyo mas’uuliyiinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.
Soomaaliya waxa ay door weyn ay ka ciyaartay doorashadii uu kusoo baxay Guddomiyahaan cusub ee Midowga Africa ee horey u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti.
Socdaalkiisa waxa ay muujinaysaa ahmiyadda gaarka ah ee uu Guddomiyaha ay u leedahay Soomaaliya oo hadda ka bilaabatay howlgalka cusub xasilinta iyo nabadeenta guud ee Soomaaliya.