12.4 C
London
Sunday, October 19, 2025

Soomaaliya oo taageertay dadaalada Dowladaha Masar, Qatar iyo Mareykanka ee xabad joojinta Gaza

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Jimco, Maarso 21, 2025 (HOL) – Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cismaan ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo weerarradii Israa’iil ay ku qaadday xarunta Qaramada Midoobay ee Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin.

Abuukar Baalle ayaa carrabka ku adkeeyay in Weerarka Israa’iil ee Gaza uu sababay dhimasho iyo burbur soo gaaray shacabka iyo hantidoodi, waxaana uu ku baaqay in si sharuud la aan loo joojiyo duqeymaha ay Israa’iil ay ka geeysaneyso magaaladaasi.

Intii lagu guda jiray fadhi Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay xaaladda Gaza iyo Bariga Dhexe, ayaa Wakiilka Soomaaliya wuxuu cambaareeyay in duulaanka qaawan ay Israa’iil ku qaaday Gaza, isagoo carrabka ku adkeeyay inay Israa’iil fasaxdo gargaarka bini’aadantinimo ee loo sido Shacabka magaalada ku nool.

“Ma haboona in wax gorgortan ah laga furo gaargaarka lagaarsiinayo shacabka, waxaan dalbanayaa in la dammaanad qaado in aan la carqaladeynin gargaarka galaya marinka Gaza si loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan marinka.” Ayuu yiri Abuukar Baale.

Dhinaca kale, Danjire Abuubakar Cismaan waxa uu dib u soo cusboonaysiiyay baaqiisa ku aaddan xabbad-joojin deg-deg ah oo laga sameeyo Gaza, isagoo caddeeyay inay Dowladda Soomaaliya si buuxda u taageersan tahay dadaalka ay Masar, Qatar iyo Maraykanka ku bixinayaan in wada-xaajoodka xabad joojin waarta looga gaarayo xaaladda Marinka Gaza.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).