12.1 C
London
Saturday, October 18, 2025

Dowladda Mareykanka oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday gawaaridii galbineysay Madaxweynaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Maarso 20, 2025 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii 18-kii bishaan March lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo sababay dhimashada muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii iyo qaraabadii dadkii kuu dhintay Qaraxaasi, Shacabka Mareykanka waxay mar kale xaqiijinayaan taageerada joogtada ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwa dhaawaca ah waxaan u rajeeneynaa bogsiino deg deg ah” ayaa lagu yiri bayaan ka soobaxay qeybta arrimaha Africa u qaabilsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale Dowladda Mareykanka waxa ay ku bogaadisay horumarka ay hiigsanayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo howlgallada geesinimada leh oo ay ciidamada Qarankooda ku garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka Al shabaab.

Wadamo badan oo Yurub, Africa, Jaamacadda Carabta, iyo Midowga Africa ayaa si kulul ah waxa ay dhammaantoodi u cambaareeyeen weerarkii ay sheegatay Al shabaab oo ay ku damacsanaayeen inay ku qaarijiyaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Horey Dowladda Mareykanka waxa ay safaaradeedi Muqdisho ay soo saartay digniino amni oo ay ku sheegeyso inay Al shabaab damacsan yihiin weeraro qaraxyo ah oo ay ka geeysanayaan gudaha Caasimadda gaar ahaan Garoonka Muqdisho.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).