12.1 C
London
Saturday, October 18, 2025

Farmaajo oo cambaareeyay weerarkii Al shabaab ay ku qaadeen gawaaridii galbineysay Madaxweyne Xasan Sheekh

- Advertisement -spot_imgspot_img
Khamiis, Maarso 20, 2025 (HOL) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul ah u cambaareeyay weerarkii ay Al shabaab la damacsanaayeen inay ku qaarijiyaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ka hor ka dhacay isgooyska Ceel Gaabta ee Degmada Xamar Jajab.

“Waxaan si adag u canbaaraynayaa qaraxii argagixiso ee afaafka hore ee Madaxtooyada laga galo lagula eegtay kolanyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, laguna waxyeelleeyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in Falkan argagixisada ah uu halis ku yahay dowladnimada iyo jiritaanka ummada, waxaana uu xusay in uu ahaa mid ka tarjumaya wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga sharfan ee shacabka Soomaaliyeed.

“Tacsi murugo leh ayaan u dirayaa ehellada shacabkii aan waxba galabsan ee iyaga o0 soomman ay argagixsadu ku laysay qaraxaas, Muwaadiniinta kale ee dhaawaca nafeed iyo burburka hantiyeed uu soo gaarayna waxaan Alle u weydiinayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba” ayuu sii raaciyay warkiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Waxa uu ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah loogu istaago ciribtirka kooxaha argagixisada, lana garab istaago ciidamadada geesiyaasha ah ee dagaalka ka wada furimaha hore ee lagula dirirayo argagixisada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).