
Bayaan kasoo baxay Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyay dhacdo looga shakisan yahay in ay la xiriirto burcad-badeednimo taasi oo xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal lagaga qafaashay dooni kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Yemen.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa lagu sheegay in doontaasi ay qafaasheen rag hubaysan oo ka kooban 7 nin kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay yihiin burcad-badeed Soomaaliyeed balse weli dhacdada baaritaan uu ku socdo.
Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa intaasi raaciyay in doonta la qafaashay ay saaran yihiin 8 shaqaale ah oo dhammaantood Soomaali ah waxaana dhacdadaani imaanaysaa bil kaddib markii burcad-badeedu weerartay doontii Seytuun2 oo uu ka babanayay calanka Yemen.
Xeebaha Degmada Eyl waa meelaha ay inta badan burcad badeeda Soomaalida ay ka ugaarsadaan maraakiibta iyo doomaha Kallumeeysi kuwaasi oo mararka qaar ay ka qaataan lacago madax furasho ah.