11.6 C
London
Saturday, October 18, 2025

Ciidanka Difaaca deegaanka oo howlgal khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Isniin, Maarso 17, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jid gal ah oo ciidanka difaaca deegaanka ku sameeyeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku socdaalayay meel u dhaw deegaanka Labo garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Macawiisleeyda ayaa la sheegay in weerarka ay ku dileen xubnahii Al-shabaab, islamarkaana kasoo furteen qoryahii ay wateen.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka ka dhacay aaga Laba garas uu ahaa mid u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana faahfaahinta khasaaraha weerarkaas dib laga soo gudbin doono.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada difaaca deegaanka sidaan oo kale weerar dhabagal ah ku sameeyaan xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in weerarada noocaan oo kale ah horay loogu yaqiinay kooxda oo weeraro jidgal ku sameyn jirtay ciidanka xoogga dalka marka ay ku socdaalayay wadooyinka qaar ka mid ah gobolada dalka.

Howlgalkaan aanan wali dowladdu si rasmi ah u xaqiijin tirada weerarka jidgalka ah looga dilay Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano badan oo ka torsan gobolka Shabeellaha dhexe ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).