12.4 C
London
Friday, October 17, 2025

Somaliland oo ku amartay isbitaalada gaarka loo leeyahay in ay bilaash ku daweeyaan askarta

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Maarso 17, 2025 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku siisay isbitaalada gaarka loo leeyahay in ay si bilaash ah ku daweeyaan askarta ku soo dhaawacanta dagaallada.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa amarkan soo saartay, kadib markii ay sheegtay in uu soo gaadhay war sheegaya in mid ka mid ah isbitaalada gaarka loo leeyahay uu diiday in uu daweeyo askari dhaawac ah.

“Waxaanu go’aaminay in dhammaan isbitaalada gaarka loo leeyahay ay si bilaash ah ugu adeegaan askarta dhaawaca ah ee ugu yimaada xarumahooda, iyagoo ku soo dhaawacmay difaaca qaranka, kuna qaabilaan soo dhawayn iyo adeeg naxariis leh,” ayaa lagu yidhi amarka wasaaradda.

Waxa kale oo ay wasaaraddu amartay in dhakhaatiirta aqoonta sare leh ee ka shaqeeya isbitaalada gaarka loo leeyahay loo soo diro isbitaalada dawliga ah, haddii ay soo wajahdo xaalad adag oo u baahan taageero, gaar ahaan marka la keeno askari xaaladdiisu liidato.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay amartay in dhakhaatiirta gaarka loo leeyahay ay dhawraan xogta askarta ay daweynayaan, isla markaana aysan la wadaagin cid aan ahayn hay’adda ku shaqada leh.

Ugu dambayn, waxa la faray isbitaalada gaarka loo leeyahay in ay la soo xidhiidhaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka haddii culays soo food saaro ama ay la kulmaan xaalado aanay maarayn karin.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).