
“Deegaan si tooska ah ay uga dhaceen duqeymaha iyo weeraradii ugu dambeeyay ee lagu naafeeyay kooxaha Khawaarijta waxay kala yihiin Awdheegle, Boos hareeri, Sumadaale, Geerile, Doonka Shabeeloow, Ceelbuur iyo Laba garas oo ah dhamaan deegaano ka tirwan Galgaduud, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxaa si weyn loogu naafeeyay kooxaha Khawaarijta ah oo looga laayay horjoogayaal iyo maleshiyaad tiro beel ah” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed.
Si kastaba ha ahaate Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee kooxda Al-shabaab looga dilay daagalada iyo duqeymahii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.
Ugu dambeyntii Afhayeen Abuukar Maxamed ayaa boggaadiyay guulaha howgladii ugu dambeeyay ee ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca deegaanka ay ka gaareen kooxda Al-shabaab.