14.5 C
London
Thursday, October 16, 2025

Safaaradda Maraykanka oo beenisay inay shaqaalaheeda ka daad gureysay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
Axad, Maarso 16, 2025 (HOL) –  Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in safaaraddu ay bilowday daadgureynta shaqaalaheeda muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ku sugan.

Warar aan rasmi ahayn oo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa tilmaamayay in xaaladda ammaanka ee caasimadda ay kasii dareyso, taasoo keentay in Mareykanku kala baxo shaqaale muhiim ah.

Hase yeeshee, safaaradda ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay waxay ku beenisey wararkaas, iyagoo xusay in safaaradda ay si caadi ah u shaqeynayso.

Dhawaan ayay ahayd markii Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay soo saartay digniin amni, iyadoo ka digtay khataro amni oo ku saabsan weeraro lagu bartilmaameedsado goobo badan oo Muqdisho ka mid ah oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda.

Safaradda ayaa dhammaan shaqaalaheeda ka joojisay safarada ilaa amar dambe. Sidoo kale, muwaadiniinta Maraykanka ayaa laga joojiyay inay u safraan magaalada Muqdisho.

Safaaradda ayaa sheegtay in  kooxaha argagixisadu ay ku howlan yihiin abaabulka qaraxyo iyo weeraro. Waxayna sheegtay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay weli ah mid qasan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).