
Ninakan ayaa maalmo ka hor baraha bulshada lagu arkay isagoo ul ku garaacaya ilmo yar oo 8 jir ah oo kamid ah qaxootiga kasoo cararay Yemen ee ku nool magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Maxkamadda ayaa sheegtay in eedeysanaha lagu helay fal dambiyeed ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyadoo sheegtay inuu ilmaha yarka ah u geystay dhaawac jireed iyo mid maskaxeed.
Maxkamaddu waxay sheegtay inuu ninkan si sharci darro ah u xirnaa dareeska ciidanka dowladda, isagoo aan kamid ahayn ciidamada amniga. Waxay muddo sanad ah ka mamnuucday inuu dib uga shaqeeyo xafiis dadweyne.
Eedeysanaha ayaa kamid ahaa waardiyeyaasha suuqa Inji ee magaalada Garowe, halka wiilka yarka ah uu kamid ahaa dadka wareejiya Tusbaxyada.