12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

NISA oo horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab ku dishay duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Maarso 12, 2025 (HOL) – Taliska hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaciyay in duqeyn lagu dilay Labo horjooge oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka ka dhacay degaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay laba horjooge iyo dhamaan ilaaladii la socday.

Horjoogayaasha lagu dilay duqeynta ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Farxaan Cisman Xasan oo loo yaqaanay Jacfar Karuur  kaasoo ahaa madaxa qaraxyada kooxda ee gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose iyo Axmed Gumaar oo ahaa madaxa maaliyadda ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan NISA ku dishay labadaan horjooge ayaa qeyb ka ah howlgalo  mudooyinkii u dambeyay ay ku beegsanayeen ciidanka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsafaxadeedka oo dhameystiran:-

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).