13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Kenya oo soo bandhigtay ciidamada uga qeyb galaya howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Maarso 1, 2025 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa waxay soo bandhigtay qaar kamid ah ciidamada uga qeyb galaya Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Ciidamadan ayaa haatan tababar uga socdaa Xerada Dagaalka Lerata ee Degmada Samburu.

Tababarkan, ayaa loogu talagalay in lagu diyaariyo ciidamada si ay uga shaqeeyaan nabad-ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay inay u tababarayso xeeladaha la dagaallanka fallaagada, iyo istiraatiijiyadaha ka jawaabista xaaladaha bani’aadantinimo.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Soipan Tuya ayaa ku ammaanay dedaalka ciidamada Kenya iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonida iyo ammaanka gobolka.

“Ciidamadeennu si wanaagsan ayay u diyaarsan yihiin si ay u taageeraan dadaallada nabadda iyo xasilinta Soomaaliya. Tababarkani wuxuu hubinayaa inay diyaar u yihiin wax ka qabashada caqabadaha amni,” ayay tiri wasiirka gaashaandhigga Kenya.

Kenya waxay door ka ciyaartaa howlgalada nabad-ilaalinta ee gobolka,  la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo dadaallada xasilinta Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).