
Gudoomiye Shuute ayaa kusoo qaatay hadalkii guubada ahayd ee Macawiisleeyda ujeedinayay kiiska Cabdi Wabiir oo todobaadkii lasoo dhaafay isaga iyo 24 kale oo rag ah ay iskaga dhiciyeen Dagaalamayaasha Al shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen degaanka Ceel Cali Axmed.
Shuute waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya laamaheedi amaanka ay suaal weydiin iyo baaritaan ay kuwadaan ninkaan oo katirsan Macawiisleeyda Shabeellaha Dhexe oo maalin kadib dagaalkii Ceel Cali Axmed gacanta u galay Kooxda Al shabaab, haddana dib uga soo baxsaday Kooxdaasi markii ay muqaal dhaliil ah ay kasoo duubeen.
“Cabdi-Wabiir waa la baaraa haddii halyeey geesi ah oo Dawaco heshay u noqdo halyeygiisa ayuu noo ahaanayaa, Haddiise Kitaabka uu si qaldan ugu camal falay sidaasaa loola camal falaa” ayuu goobta ka yiri Gudoomiye Xasan Nuur Cali Shuute.
Waxaa la dhowrayaa waxa uu noqon doono natiijada baaritaanka Cabdi Wabiir oo maalmo la dagaalamayay Al shabaab haddana markii uu gacantoodi galay kadib sheegay inuu Kooxdaasi kasoo baxsaday.