15.7 C
London
Thursday, October 16, 2025

Faahfaahino kasoo baxaya dil dalka Koonfur Afrika loogu geystay Muwaadin Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Juun 9, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay Xaafadda Hillbrow ee magalada Johannesburg.

Muwaadinka la dilay muwaadin ayaa lagu  magacaabi jiray Kamaal Xasan oo loo yaqiinay Cabdi Taajir, kaasoo ka mid dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas uga dhex shaqeysta gawaarida dadweynaha qaada ee Uber.

Marxuumka ayaa la tilmaamay in burcada hubeeysan ay ku dhax toogteen, isagoo ku jiray gaarigiisa xili uu ku guda jiray howlahiisa shaqo, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday burcada dilka geysatay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas oo gaaray goobta ayaa sameeyay baaritaano la xariira dilka, hayeshee wax natiijo ah kama soo bixin baaritaanka ay samyeen.

Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan si joogta ah loogu dilay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay dalkaas, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatada lagu haayo ee ah dilka, dhaawaca, iyo boobka loo geysto hantidooda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).