15.7 C
London
Thursday, October 16, 2025

Soomaaliya oo Turkiga ka dalbatay in laga taageero dhismaha Sanduuqa Zakada Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Juun 9, 2025 (HOL) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta (DIYANET) ee Dalka Turkiga Prof. Dr. Ali Erbasha ayaa ka dalbaday in Wasaaradiisa laga taageero dhismaha Sanduuqa Zakada.

Wasiir Roobow waxa uu u sheegay Prof. Dr. Ali Erbash in wasaaradiisa ay baahi weyn ay u qabtay sidii loo hirgalin lahaa Sanduuqa Diiwaanka Zakada Soomaaliya iyo horumarinta xirfada Shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda.

Kulankan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Xafiiska Arrimaha Xajka Turkiga ee magaalada Makka waxaa la isku soo hadal qaaday sidoo kale xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka  Soomaaliya iyo Hay’adda DIYANET- ka ee Dalka Turkiga.

Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa xusay in ay u baahan yihiin dhisidda Hay’adda Awqaafta, Sanduuqa Diiwaanka Zakada iyo tababarada khubarada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka qeyb qaaadanaya aasaaska iyo dhisidda hay’adahaan.

Dhammaan Qorshayaashaan uu Wasiirka ka dalbaday Hay’adda Turkida ee Diyanet waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Qaran ee Xukuumada Federaraalka Soomaaliya ay hiigsanayso shanta sano ee soo socota, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).