11.6 C
London
Saturday, October 18, 2025

Agaasimihii Dalxiiska Degmada Deyniile oo u geeriyooday dhaawac ay u geysteen Koox Burcad ah

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Juun 8, 2025 (HOL) – Wararka aynu ka heleyno Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu geeriyooday agaasimihii Dalxiiska Degmada Deyniile oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar uu kala kulmay Koox burcad ah.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in agaasime Cabdalla Sheekh Ibrahim ay kooxdaan ku weerartay xaafada Cali Booy ee Degmda Deyniile iyagoo ka qaatay Mobile kii iyo bastoolad uu watay kadibna ay goobta iskaga baxsadeen.

Kooxdaan burcada ah ayaa goobtii falka ka dhacay isaga baxsaday waxaana Degmada durbaba ka bilaawday howlgal burcadaasi lagu baadi goobayo.

Dadka wax ka qaaday dhaawaca Agaasimaha ee la geeyay isbitaalka Digfeer ayaa sheegay in xabadu ay madaxa ka haleeshay maadama raga soo weerarayna ay ahaayeen burcad qoryo ku hubeysnaa.

Laamaha ammaanka oo kaashanaya Shacabka Degmada ayaa ku howlan soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha si cadaaladda loo horgeeyo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).