Taliyaha ayaa u balan qaaday cidii soo sheegta maclumaadka horseedi kara in la ogaado ama gacanta lagu soo dhigo kooxaha ku howlan weerarada Hoobiyeyaasha lagu soo weeraro Caasimadda Muqdisho ay siin doonaan abaal marin lacageed uu ku farxo Qofka.
Macalim Mahdi ayaa carabka ku dhuftay in abaalmarintaasi lacageed ay bixin doonaan ay gaareyso Sodon kun oo Doolaar ($30,000), waxaana uu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka.
Mar ay saxaafadda ay su’aal ka weydiisay hadii abaalmarintaasi ay ciidanku wax ka heli doonaan hadii ay keenaan xogta Kooxahaasi ama ay soo qabtaan ayaa waxa uu tilmaamay in Shacab ama Ciidan cidii macluumaad sugan ka keenta Kooxaha caadeeystay weerarada Hoobiyeyaasha ah ee mararka qaar lagu soo weeraro caasimadda ay abaalmarintaasi siin doonaan.
Ugu dambeyn, taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in shacabku aysan dhag jalaq usiinin shaqsiyaad uu sheegay inay sumcad xumeenayaan xasiloonida iyo nabad galyda ka jirta caasimadda Muqdisho.