
Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen iyaga oo diyaarinayay walxaha qarxa, waxaana si lama filaan ah u qarxay waxyaabihii qaraxa ay ka sameenayeen oo ay Gurigaasi ku farsameenayeen.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqleen laba qarax oo is xig xigay, taasoo keentay in ciidamada ammaanka ay si deg deg ah u gaareen goobtii uu qaraxa ka dhacay.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in guriga uu muddo dheer laga shakisanaa, balse aan la baarin ilaa uu qaraxa maanta uu ka dhacay, Maamulka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin dhacdadan.
Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahan uu isbedel ku yimid ammaanka guud ee Muqdisho, inkastoo ay weli jiraan hanjabaadaha ka imaanaya Kooxda Al-shabaab.