12.6 C
London
Saturday, October 18, 2025

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo qaraar oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
Arbaco, Juun 4, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo maanta ku dhexmaray deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid markii hore ku bilawday weerar qaraxyo ah oo ay kooxdu ku qaaday fariisin ciidanka Macawiisleeyda ku leeyihiin deegaanka Ceel hareeri ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo mudo laba jeer ah la isku noqday.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka maanta jab xoogan ku gaarsiiyeen xubnaha Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday Ceel hareeri.

“Khawaarijta maanta waxay nagu soo weerareen laba baabuur oo qaraxyo ah midka koowaad waxay la rabeen Ceel biyoodka deegaanka iney ku qarxiyaan waase laga hortagay midka labaadna wali deegaanka ayuu dhinac uga jiraa” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle.

Wuxuu sidoo kale sheegay sarkaalkaan in dagaalka maanta ay Al-shabaab uga dileen 21 xubnood oo meydadkooda wali yaalaan gudaha deegaanka, islamarkaana dhankooda uu xusay iney ka dhinteen laba askari.

Si kastaba ha ahaate dagaalkii koowaad ee maanta ayaa lasoo wariyay in kooxdu kula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Ceel hareeri, hayeshee wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Macawiisleyda Xawaadle ay dib dagaal culus kula wareegeen gabal dhacii maanta gacan ku heynta deegaanka Ceel hareeri oo ah deegaan hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).