Madaxtooyadu waxay sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta koboca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar waxa kale oo ay ka wada hadleen nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.”
Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, waxaana lagu tiriyaa dowladaha ugu fog marka laga hadlayo in ay Somaliland la yeelato xidhiidh diblumaasiyadeed. Cirro ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ee safar rasmi ah ku taga boqortooyadan ku taalla Jasiiradda Carabta.