Dadka deegaanka Barujeed oo la hadlay qaarkood Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in tiro madaafiic ah lagu garaacay Saldhiga deegaankaas oo ka mid ah goobaha sida weyn looga sugo amniga guud ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay tirada hoobiyaasha ah ee xalay lagu gaaracay Saldhiga Barujeed, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan khasaaraha ka dhashay madaafiicda.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan madaafiicda ah, waxayna qoraal ay soo saareen ku sheegeen iney khasaare ku gaarsiiyeen askarta ku sugneyd Saldhiga deegaanka Barujeed.
Weerarkaan hoobiyeyaasha ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe Kooxda Al-shabaab ay kordhisay weerarada ay ku qaadeyso deegaanka Barujeed oo ah deegaan istaraatiiji ah.