15 C
London
Monday, October 13, 2025

Dagaal khasaare geystay oo Caabudwaaq ku dhexmaray Booliiska degmadaas iyo Maleeshiyaad hubeysan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Juun 28, 2025 (HOL) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Saldhiga magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidanka Booliiska degmadaas iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliiska degmadaas, waxaana lasoo wariyay in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhawawac kala gaaray labada dhinac.

Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haya muran la xiriira dhismaha saldhiga Booliska degmadaas oo maalmahi dambe uu khilaaf aad u xoogan ka taagnaa.

“Maleeshiyaad hubeysan waxay ka soo horjeedaan in dhismaha Albaabka Saldhiga laga soo wareejiyo halkiisi hore loona soo wareejiyo dhinaca kale oo ay ku yaalaan hotelo iyo goobo ganacsi oo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho saldhiga oo waxa jirtay in labadii bil ee u dambeysay xiisadaan soo taagneyd” ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool degmada Caabudwaaq.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay ku dhinteen ilaa 3 sadax ruux oo isugu jira jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah, waxaana wali gudaha magaalada laga dareemaya xiisada dagaalka oo mar waliba la filan karo inuu dib u qarxo.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Caabudwaaq iyo laamaha amaanka degmadaas oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaaladaas iyo khasaaraha ka dhashay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).