14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Dowladda Kenya oo dhallinyarada dibadbaxyada dhigaysa ku eedeeyay in ay wadaan isku day afgambi

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Juun 27, 2025 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa dibadbaxayaashii ku kacay mudaharaadada rabshadaha wata ee dhawaan ka dhacay magaalooyin badan oo dalka Kenya ka tirsan ku eedeeyay inay isku dayeen afgami lagu sameeyo dowladda.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa dhankooda eedaymahan ku tilmaamay isku day lagu leexinayo dareenka shacabka ee ka dhanka ah xukuumadda. Mudaharaadada oo ay wadaan dad dhallinyaro ah ayaa sababay dhimashada dhallinyaro badan.

Wasiir Murkomen ayaa sheegay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen rabshadihii dhacay Arbacadii, halka hay’adda Amnesty Kenya ay ku warantay in tiradu gaadhay 16 qof kuwaaasi oo ay sheegtay in ciidamada booliisku ay si toos ah madaxa uga wada toogteen.

Sawirro laga qaaday badhtamaha magaalada Nayroobi ayaa muujinayay dhismayaal gubanaya iyo qiiq kacaya, iyadoo ganacsatada deegaanku ay isku dayayeen inay nadiifiyaan hadhaadiga gubashada iyo burburka dhacay. Waxaa sidoo kale la sheegay in xarumo ganacsi la dhacay, laguna kacay falal ay dowladdu ku tilmaantay bililiqo.

Dibadbaxyadii Arbacadii dhacay ayaa markii hore loo qabtay in lagu xuso sanad-guuradii kasoo wareegtay kacdoonadii canshuur-diidka ahaa ee dhacay sanadkii hore, balse waxaa sii huriyay cadhada dadweynaha ee ku aaddan dilkii dhawaan loo gaystay  Albert Ojwang, oo ahaa blogger dhalinyaro ah oo ku geeriyooday gacanta booliska isagoo xidhan. Kiiskiisa ayaa horseeday cadho hor leh iyo mudaaharaadyo baahsan.

Murkomen ayaa warfidiyeenka u sheegay in dad badan oo mudaharaadayaal ah ay isku dayeen inay ku siqaan dhanka baarlamaanka iyo aqalka madaxtooyada, taasoo uu ku tilmaamay isku day lagu doonayay in lagu beddelo xukuumadda. Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay dibadbaxyada kuwo ay abaabuleen “qaswadayaal dambiilayaal ah” oo ku kacay falal lagu tilmaami karo argagixiso.

“Waxay soo daayeen mowjado rabshado ah, bililiqo, kufsi, iyo burbur ay u gaysteen dadkeena,” ayuu yidhi Murkomen, isagoo ku adkaystay in dowladdu ay si adag uga hortagi doonto wax kasta oo qas ah oo lagu carqaladaynayo dowladnimada.

Boniface Mwangi, oo kamid ah haldoorka u dhaqdhaqaaqa mudaaharaadyada, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hadalka Murkomen uu yahay iskuday cad oo lagu doonayo in dareenka bulshada looga jeediyo cabashooyinkooda saxda ah. Waxa uu sheegay in shacabka, gaar ahaan dhalinyarada loo yaqaan “Gen Z”, ay doonayaan isbeddel, caddaalad, iyo islaxisaabtan.

Ibrahim Hamisi, oo leh mid kamid ah dhismayaasha la gubay ee badhtamaha Nayroobi, ayaa ugu baaqay dowladda iyo dhalinyarada Gen Z inay si dhab ah u wada-hadalaan. “Eeg waxa ay gubeen, fadlan dowladda ha la hadasho Gen Z, sidoo kalena Gen Z hala fadhiistaan si ay ula hadlaan dowladda,” ayuu yidhi.

Josephine Apondi, oo iyadna kamid ahayd ganacsatada burburka la kulmay, ayaa sheegtay in la dhacay alaabo ay ku qiimeysay labo milyan oo shilin Kenyaan ah ($15,500), taasoo muujinaysa khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay rabshadaha.

Geerida Albert Ojwang, oo 31 sano jir ahaa, ayaa dhalisay muran weyn kadib markii la ogaaday in loo xidhay dacwad laga gudbiyay oo uu watay ku-xigeenka taliyaha guud ee booliska, Eliud Lagat. Lix qof oo ay ku jiraan saddex askari ayaa loo haystaa dilka Ojwang, waxaana dacwad oogayaashu ansixiyeen eedeymo rasmi ah oo dil ah.

Dibadbaxyadii Arbacadii ayaa dib u xasuusiyay dad badan dhacdooyinkii sanadkii hore, markaas oo ugu yaraan 60 qof lagu dilay mudaaharaadyo ballaadhan oo ka dhan ahaa canshuur kordhin ay dowladda wadday. Haddaba, is-marin-waaga u dhexeeya dhalinyarada iyo dowladda ayaa muuqda inuu sii xumaanayo hadii aan la helin xal siyaasadeed oo waara.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).