14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray dowladda iyo shacabka dalka Jabuuti

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, Juun 27, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka dowladda Jabuuti ugu hambalyeeyay Munaasabadda xuska 47-aad ee kasoo wareegatay markii xoriyadu qaatay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada qabsiga dadka Soomaaliyeed, wuxuuna  bogaadiyey doorka muhiimka ah ee dowladda Jabuuti ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan mudadii lagu jiray marxaladaha adag ee uu dalka soo maray.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh in dowladdiisa ay si dhab ah uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya dowladda Jabuuti, taasoo uu ku tilmaamay mid saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo iyo nabad waarta, isagoona muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano dhaqan iyo himilooyin fog.

Ugu dambeyntii Munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalka Jabuuti ayaa Xalay xuskeeda lagu qabtay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka dowladda Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).