12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay iskaashi dhinaca Difaaca ah iyo dardar galinta dagaalka Al-shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Arbaco, Juun 25, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu.

Kulanka dhexmaray labada masuul ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray iskaashiga labada dowladood ee dhinaca Difaaca iyo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Danjiraha dowlada Shiinaha ayaa dhankiisa balan qaaday in dowladdiisa kaalin weyn ka qaadanayso qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo sidii ay ugu guulleysan lahayeen sugida, xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey dowlada Shiinaha taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo iskaashiga labada dal.

Ugu dambeyntii kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo Soomaaliya iyo Shiinaha ay yihiin laba wadan oo leh xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan, kuwaas oo iska taageera dhinacyada amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida labada dowladood.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).