12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Faah faahino kasoo baxaya howlgallo ay Ciidamada Danab iyo kuwa Jubaland ay ka sameeyeen Jubadda Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Talaado, Juun 24, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Kumaandoska Danab iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland, ay howlgal ballaaran oo qorsheysan ka fuliyeen deegaannada Malaaleey, Araare, Koban, Janaale iyo Reeynero oo dhaca jiinka wabiga Jubba ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimihii Al shabaab ee deegaannadaasi, iyadoo ciidamada isku dhafan ay muujiyeen feejignaan, wadashaqeyn.

Warka waxa uu intaa ku darayaa in Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ay warbaahinta u sheegeen in ciidanku ay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa Al shabaab, kuwaasi oo ay kasoo abaabuli jireen dhagarta shacabka gobolka.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay iney sii wadayaan howlgallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada lagu ciribtirayo Al shabaab si shacabka reer Jubbada Hoose ay u helaan nolol deggan oo ka caagan cabsi iyo cadaadis.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa si tartiib tartiib uga bilowday dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab oo lagu bartilmaameysanayo goobaha ay wali kaga harsan yihiin Kooxdaan gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).