11.1 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo beenisay in ergadii Soomaaliya ee ka qeyb galay shirkii Geneva aysan dalka kusoo laaban

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Juun 19, 2025 (HOL) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada oo sheegayay in xubno ka mid ah ergadii Soomaaliya ee ka qeyb gashay Shirkii 113aad ee Shaqada Adduunka ee ka dhacay magaalada Geneva ay dalka dib ugu soo noqon waayeen.

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in dhammaan xubnihii ergada rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu soo laabteen dalka, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo iyo mas’uuliyadeed.

“Waxaa wax laga xumaado ah in la faafiyo warar aan la xaqiijin oo dhaawacaya sumcadda hey’adaha dowladda iyo kalsoonida shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaraddu waxay ku tilmaamtay sheegashooyinkaasi kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana ay yihiin iskuday lagu marin habaabinayo xaqiiqda. Waxay intaas ku dartay in ergada Soomaaliya ay door muuqda ka qaadatay doodaha iyo siyaasadaha ku saabsan xuquuqda shaqaalaha iyo horumarinta daryeelkooda, iyagoo matalayay danaha qaranka.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday warbaahinta iyo bulshada isticmaasha baraha bulshada inay xil iska saaraan hubinta xogta ay faafinayaan, ayna ka fogaadaan warar aan la hubin oo leh ujeeddooyin shakhsi ah ama siyaasadeed.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).