12.7 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta u baaqday Kooram la’aan darteed

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Juun 16, 2025 (HOL) – Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan darteed, kadib markii fadhiga ay soo xaadireen ilaa 87 mudane oo kaliya.

Fadhiga Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah  furmi lahaa ugu yaraan iney soo xaadiraan 139 Xildhibaan kulankaan baaqashadiisa ayaana kusoo aadeysa, iyadoo Xildhibaanada uga soo laabteen fasaxii maalmaha dabaal dega Ciida Carafo.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa maanta lagu waday iney ku gudagalaan hawlahooda dastuuriga ah ee lagu hagayo maamulka iyo xeer dejinta dalka, waxaana xusid mudan in Goluhu ay horyaalaan ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin, dhaarinta laba xildhibaan oo cusub, codanyta axdiga Africa ee xuquuqda iyo baraaraha caruuurta iyo ajandayaal kale.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Abshirow ayaa ugu baaqay xildhibaanada Golaha Shacabka iney soo xaadiraan fadhiga Golaha ee ku aadan maalinta Arbacada si Baarlamaanka uu u guda galo ajandayaasha horyaala.

Ma ahan markii ugu horeysay ee kulamada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u baaqdaan kooram la’aan darteed, waxaana marar badan arintaani si adag uga hadlay guddoonka sare ee Golaha Shacabka. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).