
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in wasaaraddu uu xil-sharci ah ka saaran yahay hoggaaminta iyo maaraynta hannaanka soo saarista khayraadka batroolka iyo macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo in khayraadkaas looga faa’iidaysto si hufan, caddaalad ah, waxtarna u leh kobaca dhaqaalaha dalka iyo baraaraha nololeed ee shacbiga Soomaaliyeed.
Waxay sidoo kale xustay Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta in ay heshiisyo wax soosaar wadaag ah la gashay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) taas oo baaritaan iyo sahmin shidaal ka billawday badda Soomaaliya 25 Oktoobar 2024 iyadoo baaritaan kaas uu fuliyey markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.
Baaritaanka iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka urrurisay gunta hoose ee badda Soomaaliya xogo shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado ceelasha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay sida lagu sheegay war saxaafadeedka.
Ugu dambeyntii, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dhiggeeda Wasaaradda Tamarta ce Turkiga wadashaqaynta iyo iskaashiga wanaagsan ee u dhaxeeya labadda wasaaradood kaa oo fududeeyey in wax walba u qabsoomaan sidii loo qorsheeyey muddadii ay socotay hawlaha baarista iyo sahminta shidaalka.
