
Ambassador Axmed Ciise cawad oo xalay ka qeyb galayay barnaamij dood Wadaag ah oo ka baxayay Universal Somali Tv, ayaa warqaddaas ku tilmaamay mid ceeb ah oo muujinaysa dayaca ka muuqda dowladnimada Soomaaliya.
Wasiir hore Cawad waxa uu sheegay in warqaddaasi ay ahayd mid si qaldan loo qoray, kana leexsanayd baratakoolkii iyo macnaha diblomaasiyadeed.
“Wasiiru dowluhu intuu warqad iska qoro oo magaciisa uu ku saxiixo ma dhihi karo C6+ ma jirto. C6 isagu ma abuurin. Safaarado joogo waaye, kuwa na maamulaya waaye. Wasiirka sidaas dhahaya Xalane ma geli karo haddii aanu askari Ugandhays ah baarin,” ayuu yiri Cawad.
Ambassador Axmed Ciise waxa uu xusay mararka qaarood in safaaradaha shisheeye ay dadka Soomaaliyeed uga roon yihiin madaxdooda.
Ugu dambayn, Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira dalka in ay salka ku hayaan madaxda dalka oo danahooda shaqsi ka hormariya danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.